Sawirro: Qaab ceynkee ah ayuu Imaaraadka Muqdisho kusoo galin jiray Kiimikada laga sameeyo Qaraxyada? (Xog)

Sida aan wararkeena hore ku sheegnay tuhuno soo ifbaxaaya ayaa sheegaya in dowlada Imaaraadka carabta ay kaalin weyn ka qaadatay Qaraxyo dhowr ah oo ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia.

Dowlada Imaaraadka ayaa Qaraxyadaasi ula gol leh hoos u dhac ku imaada dhaqaalaha, Qaranimada, Amniga iyo Rajada Somalia.

Baaritaano la sameeyay ayaa waxaa lagu xaqiijiyay in dowlada Imaaraadka carabta ay maleeshiyaadka Al-Shabaab ka caawin jirtay dhinacyada dhoofinta Hubka sharci darada ah iyo Kiimikada laga sameeyo Qaraxyadatanka culus.

Qaraxyada qaar ayaa la xaqiijiyay in lagu dhex sameyn jiray gudaha Xerada Imaaraadka uu ciidamada ku tababari jirtay  Gen,Golden, kaa oo ahaa Saldhiga isku xira Imaaraadka iyo Al-Shabaab ah.

Imaaraadka ayaa la xaqiijiyay in Kiimikada laga sameeyo Qaraxyada ay kusoo galin jireen magaalada Muqdisho iyagoo kusoo dhex qarin jiray Mucaawanada ay soo gaarsiin jireen Somalia.

Mid kamid ah Saraakiisha baaritaanka ka qeybqaatay oo nooga xog waramaayay Qaraxyada iyo Kiimikada ay Imaaraadka ku caawiyaan Al-Shaba ayaa yiri ‘’Imaaraadku waxa uu in badan ka shaqeeyay sida Somalia looga tirtiri lahaa qaarada Africa dhab ahaantii waxaa jira haliso badan oo uu u maleegay Somalia balse anaga oo kaashaneyna garaadkeena ayaan ka hortagnay halista’

Waxaa jirta inay Hub iyo Kiimikada Qaraxyada siin jireen Shabaab, balse baaritaan dheer kadib waxaan helnay xaqiiqda taa oo noo sahashay inaan fashilino dhagartooda’

Baaritaanka mudada qaatay waxaan ku ogaanay in Kiimikada laga sameeyo Qaraxyada ay kusoo dhex qarin jireen Raashiinka mucawinada ah, gaar ahaan loorarka burka ayey kusoo dhex darsan jireen kuwo ay ku jiraan Kiimikada’’

‘’Waxa ay inta badan kiimikada kusoo dhex dari jireen Saadka uga imaan jiray Abu Dabai iyadoo kiimikada lagu soo cabeeyay loorar ayaan ku qabanay baaritaanka, dabcan cid waliba oo ka shaqeyneysa Qaran jabka Somalia sidaa ayaan uga hortagi doonaa’’

Sarkaalkan oo sababo amni u dalbaday in laga tago magaciisa ayaa sheegay in dowlada Somalia aysan marnaba ku fakerin in Dowlada Imaaraadka carabta ay dhagaro intaa la’eg u maleegeyso Somalia, hase ahaatee ay ogaaden xaqiiqda Imaaraadka.

Dhinaca kale, waxaan wali meesha ka bixin dhagarta ay dowlada Imaaraadka carabta u maleegeyso Somalia, waxaana jira warar hoose oo sheegaya in qalqal galinta Muqdisho ay u adeegsan doonto Xagjiriinta Daacish-ta Somalia oo wadahadal ay kula jiraan.

BAARITAANKA QALFOOFTA QARAXA

 


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads