Wafdi kasoda Taliska C.X.D.S oo kormeer ku tagay Deegaano laga saaray Shabaab Jubooyinka…

Wafdi uu hoggaaminayo Taliyaha howl-galinta ciidanka xoogga dalka General Maxamed Sheekh Madoowe ayaa booqday Deegaanada Jubboyinka ee dhawaan laga saaray dagaalamayaasha Al-shabaab

Saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka ayaa booqday deegaanada kala ah Baar-sanguuni, kaban iyo Tuulo hoos tagta Degmada Jamaame, iyagoona u kuur galay Amniga deegaanadaasi.

Taliyaha qeybta 43-aad ee Ciidanka xoogga dalka General Cismaaciil Saxardiid ayaa ugu warbixiyay Taliyaha hogaanka howl-galinta ciidanka goobaha ciidamada xoogga dalka ay ka saareen Al-shabaab.

General Maxamed Sheekh Madoowe Taliyaha ayaa duleedka Degaanka Kaban kula hadlay cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka, isagoona sheegay in loo diyaar garoobay dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Taliyaha Hogaanka Howlgalinta Ciidanka xoogga dalka General Maxamed Sheekh Madoowe ayaa Ciidamada Kula dar-daarmay in ay shacabka u naxaan, isla markaasna ay ku wargaliyaan Shacabka in ay yihiin Ciidan Qaran oo u taagan difaacooda.

Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa hadda u weecanaya oo ku sii qul qulaya deegaano ka tirsan gobolka Gedo kadib markii culeysyo ay kala kulmeen ciidamada xooga oo dagaal kula galay gobolada Jubbyinka iyo diyaaradaha Mareykanka oo duqeymo kula bartilmaameysaday goboladaasi taasi oo keyntay in ay ku ruqaansadaan deegaanada gobolka Gedo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here