Wararkii ugu dambeeyay Shabaab oo weeraray Magaalo katirsan Gobalka Baay & dhanka kalana gubay….

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya, weerar xalay fiidkii Xoogag ka tirsan ururka Al-shabaab ay ku qaadeen fariisin ciidanka Maamulka Koonfur Galbeed ku lahaayeen degmada Qansax-dheere ee gobolka Baay.

Ilo xog ogaal ah oo soo xiganaya saraakiil dhinaca Millitariga ah ayaa sheegay in weerarkaasi ay ku geeryoodeen laba ka mid ah ciidankii ku sugnaa fariisinka, halka ay ku dhaawacmeen laba kale.

Saraakiil ka tirsan maamulka Koonfuir Galbeed ayaa inoo sheegay inaanay jirin khasaare buuran oo weerarkaasi ka soo gaaray ciidankooda, waxayna tilmaameen in lagu daba jiro raggii weerarka ka geystay degmada Qansax-dheere.

Shabaab weli wax war ah kama aanay soo saarin weerarkan ay xalay ku qaadeen fariisin ciidanka maamulka Koonfur Galbeed ku lahaayeen degmada Qansax-dheere ee gobolka Baay.

Dhinaca kale Shabaab ayaa duleedka deegaanka Buula-mareer ee gobolka Shabeellaha Hoose waxa ay fiidnimadii xalay ku gubeen gaari Qaad siday, iyada oo ay halkaasi ku geeryoodeen afar qof oo ka mid ahaa rakaabkii gaariga saarnaa.

Waxaa muuqata in Shabaab ay kordhiyeen weerarada ay ka geysanayaan deegaanada maamulka Koonfur Galbeed, tan iyo markii la guda galay bisha barakeysan ee Ramadaan, iyada oo Koonfur aysan weli jawaab muuqata ka bixin weerarada Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here