Wasiirka Gaashaandhigga oo la kulmay Taliyaha Hawlgalka Midowga Yurub ee Somalia…

Kulankan oo ka dhacay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya ee Muqdisho ayaa wuxuu dhex marey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Gaashaandhigga Xasan Cali Maxamed “Amar Dambe” iyo Pietro Addis oo ah taliyaha xafiiska hawlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya gaar ahaan qaybta tababarada.

Saraakiisha Midowga Yurub ayaa ugu horeyn ugu hambalyeeyay Wasiirka cusub ee gaashaandhigga xilka loo magacaabay,iyagoo balan qaaday in ay si dhab ah ula shaqeyn doonaan.

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa kala hadlay dardargelinta taageerada ay siinayaan ciidanka Xoogga Dalka sida,tababarada,qalabeynta iyo talooyin ku aadan arrimaha ciidamada.

BG Pietro Addis oo ah taliyaha xafiiska howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa ammaanay dib u habaynta lagu sameeyey hogaanada ciidanka Xooga Dalka,wuxuuna u xaqiijiyay Wasiirka in ay ka soo bixidoonaan kaalintoodi ku aadan garab istaaga ciidamada.

Tan iyo sanadkii 2010 ayaa midowga Yurub waxaa ay dardargelinayeen taageerada ay siinayaan ciidanka Xooga Dalka,dhinacyada tababarada ciidanka,si ay u gutaan waajibaadka qaran ee horyaala.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here