Xirnaanshaha Waddooyinka magaalada Muqdisho Xal kale haloo raadiyo !!

Xirnaanshaha waddooyinka xilliyada cayiman iyo jidadka qaar ee ka caagan socdaalka iyo marista gaadiidka kuwaas oo sababo jira loo xirtay, waxay gocasho iyo xusuus hore gelinaysaa shacabka ku dhaqan caasimadda Muqdisho kuwaas oo waqtiyo adag lasoo kulmay.

Mar kasta oo aad isasoo taagto goob ka caagan marista gaadiidka ama waddooyin muddo kooban la xayiro ku socdaalkooda, waxaad ogaaneysaa inay tahay marxaladda ugu fiican intii lagu guda-jiray geeddi-socodkii adkaa ee magaaladani soo martay.

Markii uu dhamaaday qadkii cagaarnaa ee caasimadda Muqdisho u kala dhanbali jiray xero hoggaamiye kooxeed kasta uu ka taliyo dhowr iyo toban sano kahor, xirista waddooyinka qaar iyo mamnuucista socodka dadweynaha waxay ahayd mid si aan laga fursan karin ay ula kowsatay dowladdii ugu horreysay oo lagu soo dhiso dalka Kenya. Taniyo markii xukuumadda AUN Abdullahi Yuusuf Axmed ay si rasmi ah u sal-dhigatay caasimadda Muqdisho, wararka ugu waaweyn  ee waagaas warbaahinta loogu dhageysiga badnaa waa haddii waddooyinku xiran yihiin iyo in kale.

Waagii ku dilaaca jidadka oo furan, way adkeyd in gabbalku ugu dhaco iyada oo aan saacado kamid ah maalintaas waddooyinka la xirin. Mararka qaar, marista laamiyada waxay ahayd halis muuqata. Jidad badan ayaa cabsida laga qabo qaadistooda awgeed, waxaa qofkii ku dhiirrada loo marin jiray samir iyo iimaan.

Kolkii ay dowladdu si buuxda ula wareegtay gacan-ku-heynta caasimadda Muqdisho kaddib dagaalo qaraar oo looga qaxay inta badan magaalada, wax u muuqda inay yihiin farriin iyo tusaalayaal ay iska dhaxlaan xukuumadaha isaga danbeynaya talada iyo maamulka dalka waa xirista waddooyinka.

Labadii dowladood ee xilka kaga horreeyey dowladda hadda jirta waxay lahaayeen sifada ah xirista waddooyinka iyada oo aan muwaadiniinta loo sameynin ogeysiin ama aan loo sahlin hab fudud oo ay ku gaari karaan danahooda – jeer isla mar ahaantaana la hubsanayo inaysan waxba u dhimeynin awaamiirta ay dowladdu soo saartay.

Maanta oo dowladnimadeennu kasoo gudubtay marxaladdii ku-meel-gaarka ahayd, dhaqankani wali waa sidiisii. Mana u eka mid maalin la isaga fariistay si wax la iskaga weydiiyo cawaaqibka ay ku heyso bulshada caasimadda. Sida indhahaagu maanta u qabanayaan waddo aan loo oggoleyn gaadiid rayid ah – oo kuwa ciidamada iyo mas’uuliyiinta dowladda oo qura  loo oggol yahay inay maraan – waa meertadii shalay balse ay xukuumaddu kasoo qaadatay middii ka horreysay.

Lama saadaalin karo haddii dhaqanka xirista waddooyinka xilliyada qaar uu sidaan kusii socon doono iyo in kale. Haddana su’aalaha is weydiinta mudan ayaa ah sababta aan xal loogu heli karin shacbiga kala duwan ee kusoo toosa qabsashada danahooda kuwaas oo mar walba oo loo sheego in waddo xiran tahay cadceedda ugu wirwira masaafada ay ku gaari karaan hadafkooda!

Mar walba oo aan ka hadleyno xirnaanshaha waddooyinka, kuma saabsana sugista amniga iyo nabadsugidda qaranka. Waxay goor walba la xiriirtaa waxa ku dhacaya dadweynaha ka badan dowladda ay ku hoos nool yihiin. Qiyaas danleyda kala duwan ee ku jira shacabka sida ardayda, waayeelka, bukaan socodka iyo dhibanaha laga yaabo inuu u baahan yahay gargaarka degdegga ah kuwaas oo haddii aysan helin marin ay ku fushadaan baahidooda wax badan oo qaali ah ay uga lumi karaan sida in qof uu u dhiman karo gurmad la’aan.

Hayeeshe ma ahan dowladda dhexe oo kaliya midda looga baahnaa inay baraarug u yeelato dhibta iyo rafaadka gaaraya muwaadiniinta. Bahda saxaafaddana waxay u bateen inay codbaahiyaha ka sheegaan wararka ku saabsan in waddooyinku ay xiran yihiin. Halkii ay ahayd in warbaahintu ay banaanka soo dhigto waxa ku dhici kara guud ahaan bulshada kolka ay jidadku ka xirmaan, nasiib-darro waxay qodobada warkooda ku gabagabeeyaan ma ahan markii ugu horreysay oo ay xirmaan waddooyinka qaar ee magaalada.

In dowladdu ay mar walba raali-gelin ka bixiso xirnaanshaha waddooyinka, bulshadana u sheegto sida ay uga xun tahay inay hakad gelinayso isku socodkooda, waa farriimaha saameynta leh oo muwaadiniinta ku beeri kara inay dareemaan shucuur ah inay qiimo ugu fadhiyaan dowladdooda. Waana samafalka ugu hooseysa oo lagu xoojin karo xiriirka dadka iyo dowladda. Waxayna sidoo kale muwaadinka ku beeraysaa lahaansho dalnimo. Waayo qofka kusoo tala-galay inuu gaadiid usoo raaco danihiisa ee lagu yiri lugtaada maal, haddii aan loo muujin inuusan sidaas mudneyn waxay dhaawacaysaa qalbigiisa.

Waxaa jirta halheys dadka Denmark ay ku sifeeyaan dalkooda oo ay ku leeyihiin; Waddankani waa meesha lagu ilaaliyo karaamadayda, waxaana ku dhex sugan noloshayda.  Balse raali-gelintu mararka qaar kuma eka ereyo dabacsan iyo hadallo naxariis leh. Waxay u baahan kartaa ficilka ugu qaalisan si heerka ugu sarreysa qanacsanaanta qofka muwaadinka ah loogu hantiyo.

Waana baahi kale oo muhiimad ballaaran ugu fadhisa dadweynaha Muqdisho. Sida aragtida guud ee dadka caasimadda ku nool u badatayna, way fiicnaan laheyd in dowladdu la timaado xal lagu dhinac wado  waqtiyada ay xiran yihiin waddooyinka halbowlaha u ah magaalada.

Tusaale ahaan, in dowladdu keento gaadiid basas waaweyn ah oo la dhigo 52 is-goys ee magaalada Muqdisho ay ka kooban tahay kuwaas oo caasimadda isku dhinac dhaafa – iyaga oo sida rakaabka rayidka ah ee jidadku ka xiran yahay, waxay shacbiga u sahleysaa inay dhib yari usoo tiigsadaan danahooda. Xittaa adeegyada basaskani ha noqdaan kuwo lacag lagu raaco. Muhiimaddu waa inay helaan gaadiid ay usoo raacaan baahidooda.

Haddii tusaalahan iyo kuwa lamidka ah ay dowladdu fiiro gaar ah u yeelato hir-gelintooda, waxay noqoneysaa tallaabo labo goor – dowladda iyo dadweynuhu – ay wada faa’iidaan. Waayo dowladda hoose waxaa usoo xeroonaya dakhli ku-meel-gaar ah, dadkuna waqtiyadaas kooban oo jidadku ka xiran yihiin kama warwarayaan haddii ciidamo lasoo dhoobo waddooyinka iyo in kale.

Haddiise sugista amniga qaranka uu keensanayo inay dhib ku mutaan muwaadiniinta, dowladdeennu kuma taagnaa hadafkii uu Thomas Jeferson, oo kamid ahaa aabayaashii helay dalnimada Maraykanka ku tilmaamay inuu yahay kan ugu weyn dowladnimada oo ah: in loo raaxeeyo muwaadiniinta iyo in lagu saacido sidii ay liibaan iyo warwar la’aan farxadi ku dheehan tahay ugu noolaan lahaayeen.

W/Q Zakariya Xasan Maxamed 

hiraal114@yahoo.co.uk


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads