XOG: Ciidamada Imaaraadka tababaray oo lagu amray ineysan ka soo bixi karin Xerada Gen: Gordan..[2-Sabab]

Warar aan heleyno ayaa sheegaya in Ciidamada Imaaraadka tababaray ee ku jira Xerada Ciidanka Generaal Gordan lagu amray ineysan soo dhaafi Karin Xeyndaabka xeradooda,islamarkaana aanay dibada xerada kaga soo bixin Karin.

Amarkaan oo ka soo baxay Taliska Guud ee Ciidamada Xoogga dalka ayaa looga gol leeyahay in lagu yareeyo isku dhacyada inta badan dhexmara Ciidamada Imaaraadka uu tababaray iyo Ciidanka Xasilinta oo marar qaar iyagoo howlgal wada isku dhacyo dhexmara Ciidankaasi.

Sidoo kale,warar kale oo aan heleyno ayaa sheegaya in Ujeedka amarkaan loo dul dhigay Ciidamada Imaaraadka ee ku jira Xerada Generaal Gordan ay tahay in lagu yareeyo dilalka inta badan ay kula kacaan dadka Shacabka ah gaar ahaan dhalinyarada ku xamaasha Mootada loo yaqaano Bajaajta.

Ciidamada Imaaraadka uu tababaray ayaa marar badan waxay isku dhaceen Ciidamada Xasilinta,kuwaasi oo sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac,waxayna sidoo kale dilal aan loo hayin Ujeedo cad ku fuliyeen dhalinyaro caan ah oo Mootada Bajaajta ku xamaasha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here