Xog DHAGEYSO:-Maxaa laga filan karaa Shirka Golaha amniga oo goor dhow ka Furmay Baydhabo…

Shirka Golaha amniga Qaranka ayaa daqiiqado ka hor ka furmay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka Koofur Galbeed.

Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya Maxamed C/laahai Farmaajo ayaa furay shirka asaga ayaana shir guddoomin doono inta uu socda shirkaas.

HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA:

Qodobo dhowr ah ayaa looga hadli doonaa shirka oo ay ka mid yihiin amaanka, dhismaha Ciidamo Qran iyo qodobo kale.

Hadaba maxaa laga filan Shirka maanta ka furmay magaalada Baydhabo su`aashaas iyo su`aalo waxaan weydiinay Xildhibaan hore Axmed Maxamed Bulaale wuxuuna sharxaad uu ka bixiyay waxa laga filan karo shirka talooyina wuxuu u soo jeediyay Xubnaha Golaha amniga Qaranka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here