DAAWO: Hogaanka Al-Shabaab oo war rasmi ah ka soo saaray Go’aankooda 4-Dekad ee Itoobiya lagu wareejinayo

Xarakada Al-Shabaab ayaa markii ugu horreysay war rasmi ah kasoo saartay heshiiskii dhawaan dhexmaray Maamulka Farmaajo iyo Dowladda Itoobiya kaas oo Afar kamid ah dekedaha Soomaaliya loogu saxiixay in lagu wareejiyo dowladda Itoobiya.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA:

Sheekh Mahad Warsamae ” Abu Cabdi Raxmaan” oo kamid ah mas’uuliyiinta sar sare ee Al-Shabaab ayaa hadal uu maanta oo Talaada ah siiyay Idaacada ku hadasha Afka Al-Shabaab ee Andalus wuxuu ku sheegay in qorshaha Itoobiya loogu gacan gelinayo dekedaha Soomaaliyeed uu yahay qayb kamid ah damacii Itoobiya ee ahaa in ay Soomaaliya oo dhan qabsato.

Sheekh Mahad Warsame ayaa ka dhawaajiyay in dadka Soomaaliyeed ay qarniyo dhaadheer oo lasoo dhaafay ay Itoobiya dagaallo lagu hoobtay kula jireen si ay iskaga caabiyaan damaceeda gurracan ee ah in ay dhulka Soomaaliyeed wada qabsato.

“Jihaadka dadkii naga horreeyay ay la galeen Xabashida Itoobiya, ee khalqiga aan yarayn ee Muslimiin ah ay ku shahiideen oo uu ku jiro Hogaamiyihii Muslimiinta Axmad Gureey, Malaayiin gaalo ahna lagu laayay, waxaas oo halgan ah waxa loosoo galay waxay aheyd in Diinta Islaamka iyo Dadka Muslimiinta ah lagu difaaco, Damaca gurracan ee Gaaladaas xabashidana la iskaga caabiyo” ayuu yiri Sheekh Mahad.

Mar uu soo hadal qaaday damaca fog ee Itoobiya ku doonayso in ay ku qabsato dhulka Soomaaliya ayuu sheegay in waxa socda ay yihiin xaqiijinta hadaf fog oo ay ka laheyd dalka.

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Aby Ahmed oo dhowaan Muqdisho ayaa Heshiis dhinacyo badan la galay madaxweynaha Somaaliya kaasi oo ay ka mid tahay maalgashiga afar Dekad oo ka mid ah kuwa Soomaaliya.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads

WP Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com