DEG DEG: Qarax Labaad oo ka dhacay Agagaarka Villa Somalia & Dagaal Culus oo socda…

Qarax labaad ayaa ka dhacay agagaarka Madaxtooyada magaalada Muqdisho gaar ahaan Isgoyska Ceelgaabta ee loo yaqaan MCH-ka ceeglgaab oo laga ilaaliyo Madaxtooyada iyo Hotelka SYL.

Qaraxyadan oo jugtooda laga laga maqlay magaalada ayaa wararku sheegayaan inuu ahaa is-miidaamin ah oo lala beegsaday.

Dagaal toos ah ayaa ka socda nawaaxiga Madaxtooyadda Soomaaliya gaar ahaan, halka loo yaqaan Isgoyska Umbulutooriyadda Degmada Xamar Jajab, meel ku dhaw Koontaroolka Ciidanka ay joogaan ee Beerta Nabadda.

Gaariga koowaad ayaa ku qarxay derbiga SYL, waxaanba qaraxa labaad ka dib la sheegay in rasaasta ay yaraatay,

Askari ka tirsan ciidamada Militariga ayaa dhintay oo markiiba ay toogteen ragga hubaysan, walina waxaa socda dagaalka u dhaxeeya ragga hubaysan iyo ciidanka.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads

WP Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com