DEG DEG:-Wariye Maanta Ka Badbaaday Isku-Day Dil…

Wararka naga soo gaaraya Magalada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in Maanta uu iskuday dil ka badbaaday mid ka mid ah Wariyeyaasha ka howlgalla Magaaladaas.

Wariyaha ayaa waxaa lagu Magacaabaa Yaxye Cabdirisaaq Soofe,waxa uuna yahay tifaftiraha Idaacadda Markabley ee Magalada Baardheere sidoo kale waxa uu halkaasi uga soo hadlaa Tv-ga RTN ee Xaruntiisu tahay Magalada Nairobi.

Dad ku sugan Baardheere ayaa waxa ay sheegeen in Wariye Cabdirisaaq Soofe uu rasaas ku furay askari ka tirsan Ciidamada Jubbaland.

Lama cadeyn waxa keenay in wariyaha la rasaaseeyo iyo sababta uu askariga rasaasta ugu furay Yaxye Cabdirisaaq Soofe oo ah tifaftiraha Warbaahinta madaxabannaan ee radio Markabley.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads