DHAGEYSO: Culimada oo qeylo dhaan kasoo saaray Caqabad soo wajahday Xujeyda Soomaaliyeed…

Acmaasha Xajka oo ah rukni kamid ah 5-ta tiir ee Diinta Islaamka ay ku taagan tahay ayaa hadana waxaa taagan muran ka dhashay go’aan dowladda Soomaaliya ka soo baxay oo ku saabsan in shirkado cusub lagu daro labadii shirkadood ee xajka u qaadi jiray xujeyda Soomaalida.

HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA:

Waxayna taasi keentay in xilkii laga qaado wasiirkii wasaaradda Arrimaha diinta iyo Awqaafta xukuumadda Soomaaliya, oo lagu eedeeyay in uu qeyb ka ahaa caqadaha soo wajahay arrimaha Xajka.

Dhanka kale Shekh Nuur Baaruud Gurxan oo kamid ah Mashaa,iikhda Soomaaliyeed kuwooda ugu caansan ayaa ka warbixiyay xaalada ka taagan arimaha Xajka wuxuuna ku baaqay in shacabka loo fududeeyo lagana ilaaliyo Xujeyda khilaaf.

Khilaaf xooggan ayaa ka taagan qaabka loo qeysaday Xujeyda sanadkaan,waxaana jira shirkado cusub oo dhanka diyaaradaha oo sanadkaan soo kordhay.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads

WP Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com