Dhageyso: Hirshabelle oo la Ciidamo u suga Amaanka iyo Xildhibaan Arimo xasaasi ah shaaciyay..

Xildhibaan Maxamuud Xuseen Gudbaaye oo ka mid ah Baarlamaanka Maamulka hir-Shabeelle ayaa walaac ka muujiyey falalka amnidarro ee mararka qaar ka dhaca deegaanada Maamulkaas.

HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA:

Xildhibaanka ayaa sheegay in Maamulka Hir-Shabeelle uusan laheyn Ciidamo u gaar ah oo suga amniga,isla markaana Ciidamada ka howlgalla ay yihiin kuwa dowladda Soomaaliya.

Waxa uu hadalkiisa inatasi ku daray in Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya meeshii ay horay u joogan ay weli ku sugan yihin,isla markaana aysan sameyn wax dhaq dhaqaaq,taasina laga doonayo Madaxda dalka in ay go’aan ka qaataan.

Gaba gabadii waxa uu sheegay in Maamulka Hir-Shabelle uu yahay mid weli aan gaarin halkii la rabay,isla markaana looga baahan yahay in dowladda Soomaaliya ay garab istaagto,kana saacido dhinaca tababarka Ciidamada.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads