DHAGEYSO: Hooyo Dahabo”Wiilkeyga waxaa iga dilay Ciidamada Dowladda Cadaaladna rajo kama qabo”

Shuceyb Maxamed Amiin waxa uu ahaa 19 jir wade ka ah Gaari Nuuca Soomaalida u taqaano Mooto Bajaaj, Shalay Gelinkii hore ayaa toogasho waxaa ku dilay Askari ka mid ah Ciidamada gaarka ah ee loo diyaariyay xasilinta magaalada Muqdisho isagoo Carruur Iskuul uu ka soo qaaday dhigayay meel kala wareeg ah oo ay Ciidamada Xirteyn.

Goob Joogayaal ayaa  sheegay in Askari wax dilay uusan wax su’aal ah weydiinin Marxuumka dhintay Islamarkaana uusan ku soo dhawaanin Aagga Ciidamada u xiran tahay ilaa hadana aan la ogeyn sababta uu rasaasta ugu furay Marxuumka.

HALKAAN KADHAGEYSO CODKA WARKAAN

Hooyo Dahabo Xasan Wehliye oo ah Hooyada Dhashay Wiilka ay Ciidamada dileen ayaa  sheegtay in Wiilkeeda oo la daala dhacayay mareynta Qoyskeeda ay toogasho ku dileen Ciidamadii ay Dowladda u idmatay amaanka Shacabka, Dahabo ayaa rajo xumi ka muujisay iney cadaalad hesho sababtuna waxay ku sheegtay iney jiraan Hooyooyin badan oo sidaan oo kale dhalinyaro looga dilay oo aan ilaa hadda cadaalad helin.

Waxaa Muqdisho ku sii kordhaya dilalka loo geysanayo dhalinyarada ku xamaasha Mooti Bajaajta,waxaana jirin cid ka hadasha tacadiyada lagula kacayo.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads

WP Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com