Dhageyso: isbadal ku yimid Amaanka Muqdisho iyo Gudoomiyaha G/Banaadir oo…

Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho Eng C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow oo la hadlayay Warbaahinta ayaa sheegay in an soo hagaageyso xaaladda amaana ee magaalada Muqdisho.

HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA:

Waxaana uu tilmaamay in arrintaan ay ku timid wada shaqeyn dhex martay shacabka ku dhaqan G/ Banaadir iyo laamaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale guddoomiye Yariisow ayaa xusay in mararka qaar dhibaatooyin amni ay ka dhacaan caasimadda, balse maamulkiisu uu wado qorshe looga hortagayo dhibaatooyinkaasi.