Dhageyso:-Maamulka Degmada Balcad Oo Warka Soo Saaray Nabadoon Ay Toogteen Al-Shabaab

Maamulka degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha dhexe ayaa faah faahin ka bixiyey Nabadoon caanka ahaa degmadaas oo gelinkii dambe ee maanta lagu toogtay deegaan hoostaga degmadaas.

Al-Shabaab ayaa goob fagaaro ah oo ku taalla tuulada Gamboole wax ay ku toogteen Nabadoon Abshir Nuur Xuseen oo loo yaqaanay(Maliife),iyaga oo ku eedeeyey in uu ka mid ahaa ergadii soo dooratay xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya.

HALKAAN KADHAGEYSO CODKA WARKAAN

Guddoomiyaha Maamulka degmada Balcad Qaasim Cali Nuur(Furdug) oo Caawa ayaa sheegay in Nabadoonka uusan ka mid aheyn ergada soo dooratay xildhibaanada Golaha shacabka,isla markaana uu ahaa Nin nabadeed oo u Shaqeynayey Bulshada degmada Balcad.

Waxa uu sheegay in sababta ay Al-Shabaab u dileyn ay tahay sidee ayaad ugu adeegi kartaa Shacabkaaga?sida uu hadalka u dhigay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here