DHAGEYSO; Xildhibaano ka tirsan DF oo tacadiyo kala kulmay Ciidamada Kenya & war ay ka soo saareen

Xildhibaan Cabdi Cali Xasan iyo xildhibaano kale oo ka tirsan Baarlamaanka Dowlada Fedraalka Soomaaliya ayaa dhawaan waxay booqasho ku tageen deegaano ka tirsan gobolka Gedo.

Xildhibaanada oo u kuur galayay xaalada dhabta ah ee ka jirta deegaanada gobolka Gedo oo dhawaan ay qeybo ka mid ah ku dhufteen Abaaro iyo fatahaado, islamarkaana xaalado adag ay ka jirto ayaa waxay dhibaatooyin kala kulmeen ciidamada Kenya oo ka hor istaagay booqashadooda.

HALKAAN KADHAGEYSO CODKA WARKAAN

Xildhibaan Cabdi oayaa faafaahin ka bixiyay caqabado badan uu kala kulmay ciidamada Kenya ee Soomaaliya jooga iyo Daruufo adag oo ay sheegeen in ay haystaan ciidamada Soomaaliyeed ee gobolkaas jooga.

Wuxuuna tilmaamay in la dayacay ciidamada Soomaaliyeed kuwaas oo dagaal adag kula jira dagaalameyaasha Al-shabaab.

Ciidamada Kenya ayaa qeyb ka ah howlgalka Midowga Africa eek a socda Soomaaliya,kaasi oo ka dhan ah Al-Shabaab.

 


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads