Dhageyso+Faah faahin: Qarax xoogan oo lala eegtay Amisom & gaadiid lagu gubay…

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM lagula eegtay deegaanka Shalanbood ee gobolka Sh/ Hoose.

Qaraxa oo ahaa nuuca Miinada dhulka lagu aaso ayaa la sheegay in uu haleelay mid ka mid ah Gaadiidka Ciidamada AMISOM, inkastoo aan la shaacin khasaaraha ka dhashay qaraxaasi.

HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA:

Al Shabaab oo sheegtay masuuliyadda qaraxan ayaa barahooda Internet-ka ku baahiyay in illaa laba Gaari oo ay lahaayeen Ciidamada AMISOM ay ku gubeen qaraxaasi.

Sidoo kalena ay gaarsiyeen khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, sida ay hadalka u dhigeen.

Dhinaca kale guddoomiyaha deegaanka Shalanbood ee gobolka Shabeelaha Hoose Nuur Cismaan Raage ayaa faah faahin ka bixiyay qaraxaasi.

Waxaana uu tilmaamay in wax khasaare ah Ciidamada AMISOM uusan ka soo gaarin weerarkaasi.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads

WP Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com