DHAGEYSO:Guddiga dib u eegista dastuurka oo Xaqiijiyay in fara gelin ba’an lagu hayo shaqadooda

Munaasabad maanta Muqdisho lagu qabtay ayaa waxaa lagu wareejiyay qeybtii ugu horeysay ee Howlaha dib u-eegista Dastuurka,munaasabada ayaa waxaa ka qeyb galay guddiga la socodka Dastuurka ee labada aqal ee Baarlaamaanka,Gudoomiyaha Aqalka sare iyo wasiirka Dastuurka

Howlaha Geedi socodka dib u-eegista Dastuurka ayaa madashaa lagu soo bandhigay.

HALKAAN KADHAGEYSO CODKA WARKAAN

Gudoomiyaha Gudiga Dibu eegista Dastuurka Maxamed Daahir Afrax “aaya sheegay in maanta Gudiga lasocodka Dastuurka ay ku wareejiyeen  qeybtii ugu horeysay ee dib u-eegista labaad ee Cutubyada Dastuurka Qeybtaas oo ah Shanta Cutub ee ugu horeysa Dastuurka KMG” ayuu yiri Gudoomiye Afrax.

Mas’uuliyiintii ka qeyb galay munaasabadaas ayaa ka sheekeeyay heerarka kala duwan uu marayo qabya tirka Dastuurka KMG,waxaana ay isla qaateen mas’uuliyiinta in ay muhiim tahay dedejinta dibu eegista Dastuurka.

Dhinaca kale Xoghaya Guddiga dib u eegista Dastuurka ee Baarlamaanka Soomaaliya Senator Xuseen Sheekh Maxamuud ayaa War-saxaafadeed uu munaasabada ka akhriyey ku sheegay in ay jiraan faragelin lagu haayo Xubnaha Guddiga oo ay uga imaaneyso Xukuumadda iyo Xubno ka tirsan dowlad goboleedyada.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads