DHAGEYSO:Qalbi Dhagax oo kusoo wajahan magaalada Muqdisho iyo warar shegaayo in…

Sida uu Warbaahinta u sheegay saacadihii la soo dhaafay Cabdi Kariin Shiikh Muuse “Qalbi Dhagax” waxa uu ku soo wajahan yahay maalmaha soo socda Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya iyo Magaalada Nairobi ee Xarunta Dalka kenya.

Qalbi dhagax oo muddo 10 Bilood ah ku jiray Xabsi ku yaala magaalada Adis Ababa ayaa Dalka Itoobiya ayaa socdaalkiisa ka bilaabi doona Magaalada Nairobi oo ay ku nool yihiin Qaar ka mid ah Qoysaskiisa, Gaar ahaan Carruurtiisa iyo dad kale oo ay Qaraabo yihiin waxa uuna kadib usoo Gudbi doonaa Soomaaliya gaar ahaan Magaalada Muqdisho.

HALKAAN KADHAGEYSO CODKA WARKAAN

Muqdisho waa meel u leh Caalamad gaar ah, waa halkii loogu gacan geliyay Itoobiya oo dagaal culus kula jirtay Jabhadda DIb u xoreynta Soomaali Galbeed ee ONLF laakiin waxa uu sheegay iney ku nool yihiin dadka ugu jecel yahay oo soo garab istaagay waqti uu garab u baahnaaa.

C/kariin Qalbi dhagax ayaa sheegay in Shaqsiyaad kooban oo ka qabtay Soomaaliya in uusan u nici doonin Soomaali oo dhan balse uu kaga mahad celinayo dhamaan Shacabka Soomaaliyeed garabkii ay siiyeen mudadii uu ku jiray Gacanta Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads