DHAGEYSO:Qalbi Dhagax oo shaaca ka qaaday arimo farabadan oo Soomaalida hore u Ogeyn iyo magacyada madaxda kadanbeyse xarigiisa

C/kariin Sheekh Muuse Qalbidhagax ayaa ka hadlay qaabkii loo sii daayey, ciddii ka danbeysay xiritaankiisa iyo in Itoobiya loo gacan geliyo iyo qorshaha mustaqbalka uu doonayo inuu ku dhaqaaqo.

Isagoo wareysigii ugu horeeyay bixiyay ayuu caddeeyay in sii deyntiisa ay ka timid Ra’iisal wasaaraha Itoobiya oo isbedello ka wada dalkiisa, isla markaana ay is arkeen 30-kii bishii June oo ay wadahadleen, isla markaana aysan jirin cid kale oo uu kala tashaday ama la qorsheysay inaysan jirin sii deyntiisa.

HALKANA KADHAGEYSO CODKA WARKAAN

Wuxuu sheegay in Hay’adda Nabadsugidda Soomaalida ee NISA iyo agaasimihii ugu sareeyay xilliga la soo qabanayey C/llaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ay ka dambeeyeen in la soo xiro oo Itoobiya loo gacan geliyu, iyadoo madaxda sare ee dowladda uu filayo inay la socdeen arrintaasi.

“Xarigeyga waa ka danbeeyay Maamulka Farmaajo, waxaa howsheyda gacanta igu hayay Hay’addii uu Sanbaloolshe madaxda ka ahaa, iyaga iga soo qabtay Gaalkacyo dhibaato badan ayay ii geysteen, Xamar ayey Godka Jilacow igu xireen, … Mudadii aan xirnaa waxay ila tahay madaxweynaha iyo madaxda dowladda waa ogaan kareen…” ayuu yiri Qalbi dhagax oo wareysi siiyey Ramadan TV.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (2)

  1. Abdirashid says:

    The prime minister and president new his apprehension and handing to Ethiopia. The minister of information Eng.Yarisow in a press conference confirmed the position of the Somali government then.

  2. Abdirashid says:

    It was an illegal apprehension. Somalis should be careful who to elect to high office of the land (president).How can holders of foreign passport be your president and prime minister. Some countries require declaration of allegiance.




ads

WP Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com