DHAGEYSO:Shabaab oo dil argagax leh goob fagaaro ah ugu geystay nabadoon caan ah oo soo doortay..

Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa maanta galinkii dambe goob fagaara ah ku toogtay mid ka mid ah Ergadii soo dooratay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

Marxuumka la toogtay ayaa lagu magacaabi jiray Nabadoon Abshir Nuur Xuseen (Abhir Maliis) oo da’diisa aheyd 93 sano, waxaana lagu toogtay deegaanka Gamboole ee gobalka Shabeellaha Dhexe.

HALKAAN KADHAGEYSO CODKA WARKAAN

Nabadoonka ayaa caan ka ahaa gobalka Shabellaha Dhexe, gaar ahaan degmada Balcad, waxaana Al-Shabaab ay  ku eedeeyay nabadoonka in uu ka mid ahaa ergadii soo xulay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.

Nabadoonka ayaa gacanta Al-Shabab ku jiray muddo 3 bilood, isagoo degaanka maanta lagu taagay u tagay dacwad ku saabsan arrin xoolo dhaqato iyo beeraley ka dhaxeysay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here