DHAGEYSO:Xildhibaan shaaciyay qorshaha shabaab ku gaarayn xarumaha Villa Soomaaliya u dhow iyo warar shacabka Helin oo shegaayo…

Xildhibaan hore Cabdi Barre Jibriil hadana ka mid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa si deg deg ah ugu baaqay in lala xisaabtamo Hay’addaha Ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in Qaraxii shalay ka dhacay Otto Otto laga doonaayo in ay Hay’addaha Ammaanka ay soo caddeeyaan halka uu soo maray,Maadaama ay xusid mudan tahay in maalmihii lasoo dhaafay wadooyinka Muqdisho la xiray.

HALKAAN KADHAGEYSO CODKA WARKAAN

Siyaasiga Cabdi Barre Jibriil waxaa uu sheegay in la doonaayo in cid ay qaadato Mas’uuliyadda dadkii lagu laayay Wasaaraddaha Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka.

Waxaa uu sheegay in amniga Muqdisho aysan sugikarin shaqsiyaad ku joogga Saaxiib, waxaana uu tilmaamay in ay tahay nasiib daro in Qarax dhaco,iyaddo Shacabka ay dhib badan ku qabeen Marista Wadooyinka Muqdisho.

Ku dhawaad 15 ruux ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen laba qarax oo shalay lagu weeraray Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Soomaaliya.

Labada qarrax oo loo adeegsaday baabuur walxaha qarxa lagu soo xiray ayaa lala beegsaday dhismaha Otto Otto ee magaalada Muqdisho oo xarun u ah Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Wasaaradda Amniga iyo Ciidanka booliska Taraafikada ee loo yaqaano Oto Oto.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads