Dowlada Soomaaliya oo ku dhawaaqday arin dhiiga ku karin doonto Imaaraadka carabta oo hore malaayiin dollar lagu baxshay

Wasaarada Gaashaandhiga Xukuumada Soomaaliya ayaa mar kale tababar ku celisay ciidankii ay horey u tababareen dowlada Imaaraadka Carabta ee ku sugnaa xerada Generaal Gordan ee magaalada Muqdisho.

Ciidankii ay tababareen Imaaraadka ayaa noqday kuwa shaqada ka tagay iyo kuwa mar kale tababar lagu celiyay kadib markii ay dalka ka baxeen Saraakiishii Imaaraadka ee horey ciidankan tababarka u siiyay.

Ciidankan mar kale lagu celiyay tababarka cusub waxaa tababaraya Saraakiil ka tirsan ciidanka Midowga Yurub ee Soomaaliya u jooga tababarada ciidanka dowlada, waxaana ciidankan lagu tababarayaa xeradii ay horey u joogeen ee Generaal Gordan.

Dowlada Soomaaliya gaar ahaan Wasaarada Gaashaandhiga si buuxda ula wareegtay Xerada tababarka Generaal Gordan ay ka baxeen Imaaraadka, waxaana ciidanka tababarka lagu celiyay isugu jiraan Kumaandoos iyo ciidan caadi ah.

Ciidankii ay horey u tababareen Imaaraadka Carabta ayaa lagu sameeyay hub ka dhigis xoog ah kadib markii lagu weerarary xeradii ay degnaayeen, waxaana ciidankan qaarkood mar kale lagu celiyay tababar halka kuwa kalana ay baxsadeen hubkoodana iibsadeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here