FAAH FAAHIN: Kooxo hubeysan oo Risaas ku furay Gaari ay la socdeyn Dad shacab ah…

Labo ruux ayaa ku dhimatay Saddex kalana waa ay ku dhaawacmeen kadib markii ciidamo Boolis ah ay rasaas ku fureen gaari ay dad rakaab ah saarnaayeen oo marayay duleedka deegaanka Qalimow oo qiyaastii 30 km dhinaca Koofureed ka xigta degmada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle.

Gaariga la rasaaseeyey oo ahaa baabuur noociisu ahaa gaari Homy ah oo ku sii jeeday magaalada Muqdisho ayaa ka tegey saaka magaalada Jowhar waxaana ka mid ah dadka ku geeriyooday qof dumar ah.

Dadka dhaawacmay ayaa la geeyay isbitaalka magaalada Jowhar waxaana la sheegay in mid kamid ah dadkii ku dhintey gaarigan la aqoonsan waayay.

Wararka waxa ay sheegayaan in ciidamada ay ka shakiyeen gaariga kadibna ay rasaas ku fureen markii uu ku dhowaaday bar koontarool oo ay ciidamadu ku sugnaayeen.

Ciidamada rasaasta ku furay gaariga ayaa la sheegay in ay ka mid ahaayeen ciidamo ka tirsan ciidamada Booliska Hirshabelle oo shalay fariisimo ka sameystey deegaanka Qalimow.

Deegaanka Qalimow oo u dhexeeya degmooyinka Balcad iyo Jowhar ayaa waxaa gelinkii hore ee shalay la wareegay dagaalyahano ka tirsan Alshabaab iyadoo maalmo kahorna ay ku dileen mid kamid ah ciidamada dowlada ee ku sugnaa deegaanka Qalimow

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here