Hooyo 5-teeda carruur lagu hor Kufsaday,Ceebtii ugu xumeyd oo ka taagan magaalada…

Rag hubeysan oo loo maleynayo iney ka tirsan Askarta Dowladda Soomaaliya ayaa magaalada Jowhar ku kufsaday Haweeney heysata shan carruur.

Ragga hubeysan oo xilli habeen ah u dhacay Aqalka Haweeneyda la la’deysay carruurteeda ayaa waxay ku qabteen qori ka dibna ay u galmoodeen,sida ay sheegtay Hooyada dhashay Haweeneyda la kufsaday oo Warbaahinta la hadashay.

Hooyashada dhashay Haweeney ayaa sheegtay in Gabadheeda ku wargelisay in falkaasi foosha xun lagula kacay,durbana iyana ku wargelisay Booliska magalaada Jowhar,Booliskana ay u gudbiyeen xarun caafimaad si Gabadha kufsiga lagula kacay baaritaan loogu sameeyo.

Booliska magaalada Jowhar ayaa wada baaritaan arrintaan ku aadan,iyagoona ku daba jira ragga kufsiga geystay.

Maalmahaan magaalada Jowhar waxaa si aad ah loo hadal hayaa Kiis Kufsi oo lagula kacay Haweeney da’ah oo 85-sano jir oo ku sugneyd kaam barakac oo ku yaalo magaalada Jowhar.

Maamulka Hirshabeelle arrintaan darteed amar ugu soo rogay wariyeyaasha iyo warbaahinta madaxa banaan ee ka howlgala Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeellaha dhexe.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads