Madaxweynihii hore Xasan Sheekh oo shaaciyey wixii uu kala hadlay Madaxweyne Farmaajo…

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo dalka Turkiga degan ayaa ka hadlay kulankii dhex maray isaga iyo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo booqasho ku jooga dalkaasi.

“Maanta waxaan la Kulmay Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo. Waxaan ka sheekeysannay madaxweynaha xaaladda dalka uu maray oo leh fursado iyo caqabado intaba. Sidoo kale sida loo hagaajinayo arrimaha hortabinta leh ee danta qaranka oo aan madaxweynaha la wadaagay sida ugu habboon ee loo hagaaji karo dhaqangelkooda mustaqbalka dhaw iyo kan fog intaba..” ayuu yiri Xasan Sheekh oo baraha bulshada uga hadlay arrimihii looga hadlay kulankooda.

Madaxweyne Farmaajo ayaa goor sii horeysay dhinaciisa sheegay in isaga iyo madaxweynihii hore ay ka wadahadleen xaaladda dalka ee fursadaha iyo caqabadaha jira, ayna isla eegeen sida xal loogu heli karo.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads

WP Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com