MD Farmaajo iyo Kheyre oo cabsi xoogan ka qabo hal arin oo Xasan Sheekh looga guuleystay in ku dhacdo

Warar hoose oo lagu kalsonaan karo aan ka helnay ilo u dhow dhow madaxda ugu sareyso dalka soomaaliya ayaa shegaayo in madaxda dalka scan sarayaan shaqsiyaadka u magacaabi lahayeen safaaradaha qaarkood.

Safaaradaha soomaaliya kuleedahay ayaa qaar kood wax safiir ah joogin mudo kabadan sanad kadib markii safiiradii joogay laga dhigay wasiiro halka kuwa loo magacaabay xilal wasiirnimo.

Waxaa loo magacaabi la’yahay Safaaradahaas baa weli Scan ku socdaa! Maadaama la xusuusto in dowladdii hore ee Xasan Sheekh meelihii laga galay ay safaaradaha ka mid aheyd, raggii ay safaaradaha u magacaabeen halkii iyaga ka dhisi lahaayeenna ay rag kale ku soo dhiseen, si aanay marka taas u dhicin ayaa laga yaabaa in qof aan la hubin in si fudud aan Safiir la isaga magacaabin waxaa sidaasi noo xaqiijiyay shaqsi u dhow dhow madaxda dalka soomaaliya.

Marar sii horeyse ayaa soo ifbaxday in golaha wasiirada la horgeyn doono safiiro gaaraayo ilaa toban wadan balse arintaas ayaa dib loo dhigay madaama madaxda walaac ka qabaan in safiiradaas si hoose ula shaqeyan musharixiin kale oo dooneyso in xilka madaxweyninimo qabato afarta sano soo socoto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here