MD Farmaajo iyo RW Kheyre oo damacsan arin hadal heynteeda laga daremaayo Muqdisho oo Qalbi Dhagax kusaabsan.

Warar hoose oo lagu kalsoonyahay ayaa shegaayo in madaxweynaha dalka soomaaliya iyo ra’isulwasaare Xasan Cali Kheyre donayaan qorshayaal ku doonayaan in Qalbi Dhagax si hoose xil sare loogu magacaabo.

Magacaabistaas ayaa lasheegayaa in lagu doonaayo in lagu raali geliyo qaladkii laga galay Qalbi Dhagax kasoo ahaa dhiibistii Itoobiya halka wararka qaar sheegayaan in la doonaayo in Qalbi Dhagax tageerayaashiisa usoo weeciyo dhanka dowlada haatan jirto.

Xogta aan helnay ayaa sheegeyso in la doonaayo in Qalbi Dhagax aan ka hadlin sida loola dhaqmay iyo in madaxda ka bixin raali gelin ayagoo ka cabsi qabo in halkaas kasoo gaarto sumcad daro iyo in lumiyaan kalsoonida shacabka.

Lama oga sida xaalka noqon doono balse qorshahaas ayaa si weyn looga dareemayaa caasimada muqdisho gaar ahaan madaxtooyada soomaaliya.

Qalbi Dhagax ayaa haatan kusugan magaalada nairobi ayadoo kula suganyihiin shaqsiyaadka mucaaradka ku ah dowlada soomaaliya kuwa kujiro safka hore inkastoo Qalbi Dhagax si rasmi ah u shaacin halka xaalkiisa ku danbeyn doono.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads

WP Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com