DHAGEYSO:MD Farmaajo oo sheegay in shabaab iyo daacish sameysteen arin aan hore loogu aqoon oo halis nagu ah

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa sheegay in Kooxaha ka dagaalama Soomaaliya ee Al Shabaab iyo Daacish dhibaato ku hayaan dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Shacabka Soomaaliyeed meel kasta ay joogaan ugu baaqay in ay dowladda garab istaagaan si looga adkaado kooxaha Al shabaab iyo Daacish uu sheegay in ay  doonayaan in ay dalka dib u dhigaan.

HALKAAN KADHAGEYSO CODKA WARKAAN

Waxa uu sheegay Madaxweyne Farmaajo in Al Shabaab iyo Daacish sameesteen Odayaal Dhaqmeed u gaar ah oo danahooda fuliya, waxa uuna tilmaamay in kooxahaasi adeegsanayaan aragtiyo dadyow kale laga soo minguuriyay kuwaas oo lid ku ah diinta Islaamka iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

“Al Shabaab, Alqaacida iyo ISIS (Daacish) waxay isticmaalaaan qaabkii gumeystuhu u isticmaali jiray kala qeybinta dadkeenna. Waxay adeegsadaan qabaayalad iyaga oo isku dira qabiilladda, sameysatana odayaal dhaqmeed u gaar ah. Waa inaan ka xorownaa kooxahaas canaasiirta ah si aynu u gaarno nabadda iyo barwaaqadda aynu hiigsaneyno.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Al Shabaab iyo Daacish ayaa dagaalo kula jira dowlada Federaalka Soomaaliya, waxa ayna kooxahan doonayaan in ay meesha ka saaraan jiritaanka dowlada Soomaaliya si iyagu dalka u qabsadaan uguna maamulaan Shareecada Islaamka sida ay sheegeen.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads