Qodob Xasaasi ah: Madaxda DFS ee Rayidka ah ma xiran karaan Dharka Ciidanka si dhoolatus u sameeyaan?.

Madaxda ugu sareysa dowlada iyo xubno kale ay kamid yihiin Wasiiro ayaa marar badan la arkay iyaga oo xiran dareeska ciidanka dowlada gaar ahaan dareeska Milatariga iyo kuwa Nabad sugida.

Xubnahan rayidka ah ayaa inta badan xirta dareeska ciidanka marka ay jiraan howlgalo iyo sidoo kale marka ay la kulmayaan ciidanka , waxaana la isweediinayaa sharci ahaanshaha in dad rayid ah ay xirtaan dareeska ciidanka.

Saraakiil horey uga tirsanaa ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya ayaa sharci daro ku tilmaamay dharka ciidanka ay xirtaan xubnahan rayidka, waxa ayna xuseen in aysan horey u arki dhaqankan cusub.

Taliyihii hore ee Ciidanka Badda Soomaaliya Admiral Faarax Axmed Cumar “Faarax Qare” ayaa sheegay in aysan horey u arki jirin masuul shibil ah oo xiran dareeska ciidanka arintana uu yahay dhaqan ku cusub.

“Sharciga iyo dhaqanka aan arki jiray kuma jirin, kutubta aan soo arkay kuma jirin. Dharka ciidanka, keliya ciidan ayaa qaadan karo, Kuwan kuwii ka horreeyay kuma arkin, aniga waxaan soo joogay Aaden Cadde iyo Cabdirashid, xilliyadaas dhaqankan ma jirin, weligeyna kuma arkin, Laakin Maxamed Siyaad Xilligiisii Dalka Ciidamo ayaaba heystay”.Ayuu yiri Faarax Qare.

Waxa uu sheegay Faarax Qarre in uu maleenayo sababta madaxda hada joogta u xirtaan dharka ciidanka in ay tahay dhiiro galin balse qalad ay tahay in dareeska ciidanka uu xirto qof aan ciidan aheyn.

Sidoo kale Col. Sharif Roobow oo kamid ahaa saraakiishii hore ee ciidanka dowlada oo arintan isna ka hadlay ayaa sheegay in dareeska ciidanka uusan xiran karin qof aan ciidan aheyn.

“Dharka ciidanka waa darajo la helo, in la iska labisto waa qalad, waxaan u fahmay is-tus tus, looma baahna showgaas, waxaan arkey wasiirro labisanaya, wuxuu rabaa inuu dadka tuso inuu (opration)howlgal ku jiro, taasina waa qalad, wasiirka shaqadiisa Operation ma aha, waa jago siyaasadeed, waa inuu habeeyo ciidanka, xuquuqdooda siiyo, lana xisaabtamo”. Ayuu yiri Col Shariif.

In lagu labista dareeska ciidanka ayaa xiligan noqday mid dowlada dhaxdeeda caadi ka noqday, waxaana xusid mudan marka laga soo tago Madaxda sare iyo Wasiirada in xitaa dareeska ciidanka ku labistaan shaqaalaha hoose ee Dowlada qaarkood .


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. Ahmadey says:

    Dharka ciidanku-darajo ma ahan ninkaan aad col sharif roobow ku sheegteena darajo iyo uniform haddii uusan kala aqoon ha iska aamuso( mana filayo inuu ciidan wax ka yaqaan).
    Faarax qare wuu isyeelyeelayaa wuxuuna ogyahay in madaxweynuhu yahay taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ciidankana ay sharaf u tahay in madaxa dalka ugu sarreeya dharkooda soo xirto marka uu la joogo-faarax uu ogyahay madaxda caalamka badi marka ay hawlgal jiro ama.ay ciidamadooda u tagayaan wey isu ekeysiiyaan- liis madaxda caalamka weliba reer galbeedka oo labisan tuute baan faarax u soo gudbin haddii loo baahdo.
    Faarax ciidankii badda baan saraakiil ka wada aheyn si fiican baan u aqaan , ixtiraam badanna waan u hayaa,tanse wuu ku degdegay-malaha farmaajo iyo kheyre ku maag baa la gashay




ads

WP Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com