RW. Abiye Axmed oo Madaxwaynaha Kililka Shanaad u gudbiyey Warqad uu Go’aan xasaasi ah ku qaatay…

Warar soo baxaaya ayaa sheegaya in Ra’isul wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Axmed uu wado qorshe lagu xidhayo Xabsiyada ku yaalla dhulka Dawlad degaanka Soomaalida Itoobiya.

Ra’isul wasaare Abiy ayaa Madaxweynaha DDSI Cabdi Maxamuud Cumar (Cabdi Iley) u gudbiyay warqad lagu qeexay in dhaqan galinta talaabada lagu doonayo in lagu xidho Xabsiyada waaweyn sida Jeelka loo yaqaan “Jeel Ogadenia”.

Jeel Ogadenia ayaa inta badan waxaa lagu xiraa maxaabiista ONLF, gaar ahaan kuwa lagu qabto howdka dagaalka iyo kuwa laga soo dhiibo dowladaha jaarka la ah Ethiopia.

Ra’isul wasaare Abiy Axmed, ayaa la xaqiijiyay in Cabdi Iley uu ku wargaliyay in dhammaan maxaabiista loo heysto kiisaska waaweyn dib loo furo gal dacwadeedkood si ay u helaan cadaalad, halka kuwa kale loo wareejinaayo Xabsiyada kale ee ku yaala magaalada Addis Ababa.

Abiy Axmed waxa uu ka digay in Xabsiyada ku yaala magaalada Jigjiga ay sii furnaadan, waxa ayna xogtu tibaaxeysaa in furnaanshiyaha loo ogolyahay keliya Xabsiyada yaryar iyo Saldhigyada oo lagu sii heyn doono maxaabiista inta lagu hayo baaritaanka.

Madaxweynaha DDSI Cabdi Iley ayaa muddo kooban loo siiyay inuu ku faarujiyo Xabsiyada waaweyn oo ay ku jiraan kuwo ku yaala buuraha, halka qaarna ay ku yaalan dhulka hoostiisa.

Sidoo kale, Abiy ayaa qorshaha xirista Xabsiyada Jigjiga ula gol leh kasbashada dhammaan maamulada hoostaga dowlada Ethiopia.

Dhinaca kale, Abiy ayaa rumeysan in dadka ugu badan ee xidhan ay yihiin kuwo loo heysto tuhun isla markaana lamarin baaritaan dhab ah.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads