Sheekh caanka ah soomaalida oo golaha wasiirada lagu soo dari doono laguna badali doono wasiirkii…

Ayadoo laba maalin kahor xilka laga qaaday wasiirka diinta iyo owqaafta dowlada soomaaliya ayaa haatan waxa soo baxaayo shaqsiga lagu badali doono.

Wararka qaar ayaa shegaayo in lagu badali doono shaqsi katirsan golaha shacabka soomaaliya halka wararka qaar sheegayaan in loo magacaabi doono mid kamid ah culimada soomaaliyeed.

Wararkaan magacaabista ayaa siweyn looga hadal hayaa magaalada muqdisho gaar ahaan goobaha lagu kariyo siyaasada soomaliya waxaana xoogan wararka shegaayo in booskaas loo magacaabi doono mid kamid ah culimada soomaaliyeed oo magac iyo sumcad bulshada kudhex leh.

Laba maalin kahor waxa xilkaas laga qaaday Xasan Macallin Xuseen kasoo mudo aad u yar joogay wasaradaas inkastoo wararka shegayaan in xilka qaadistiisa soo deg degsiisay arinta muranka badan dhalisay oo xiligaan taagan oo ah arimaha xajka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here