WAREYSI: Xabsigii Jeel-Ogaadeen ee Jig-jiga oo Masjid laga dhigayo iyo Isbadalka Abiye Axmed…

Warar dheeraad ah ayaakasoo baxaya qorsho ay dowlada Ethiopia ku dooneyso in albaabada loogu laabo Xabsiyada waaweyn ee ku yaala magaalada Jigjiga ee maamulka Soomaalida Itoobiya.

Amarka lagu xidhayo Xabsiyada oo kasoo baxay Xafiiska Ra’isul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed ayaa la xaqiijiyay in iminka uu ka dhaqan galay magaalada Jigjiga.

HALKAAN KA DHAGEYSO WAREYSIGA:

Xogtu waxay tibaaxeysaa in Abiy Axmed uu amar ku bixiyay in xidhitaanka xabsiyada lasoo dadajiyo isla markaana lagu bilaabo Xabsiga weyn ee loo yaqaan “Jeel Ogaadenia” oo ku yaalla magaalada Jigjiga.

Xabsiga Jeel Ogaadenia ayaa ah kan ugu weyn DDSI, waxaana lagu xidhnaa Xubno loo haystay Arimo Siyaasadeed iyo dagaalyahaano ka tirsan Jabhada ONLF.

Abiy Axmed ayaa amar ku bixiyay in Jeel Ogaadenia loo bedelo (Masjid) lagu cibaadeysto, Waxaana Hada Xukuumada deegaanka Soomaalidu Bilowday Qorshe lagu sii daynayo dadkii ku xidhnaa Xabsiga iyagoo Xaqiijiyey in Halkaasi Masaajid laga dhigi doono, Waxaana la sheegay in Xabsiyada kale ee waaweyn laga dhigo Masaajido iyo beero lagu nasto, si maxaabiista lasii daayay aysan dib ugu xasuusan dhibka xabsiyada.

Gudaha asbuucan ayaa lagu wadaa in burburinta lagu bilaabo jeelka weyn ee loo yaqaan “Jeel Ogaadenia”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here