XOG: Madaxtooyada oo qorsheyneysa Kullanka Madaxweyne A.Madoobe & Qalbi Dhagax….

Warar aan ka heleyno Madaxtooyada Jubbalanad ee magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in madaxweynaha Maamulka Jubbaland uu qorsheynayo inuu la kulmo C/kariin Sheikh Muuse Qalbi Dhagax oo dhowaan laga sii daayay Xabsi ku yaalo Itoobiya.

Axmed Madoobe,ayaa ka mid ah Mas’uuliyiinta Soomaalida ee sida aadka ah uga shaqeeyay qaabkii xoriyadiisa dib ugu heli lahaa Muwaadin C/kariin Sheikh Muuse Qalbi dhagax oo ka mid ah Saraakiisha sare ee Ururka ONLF.

Wuxuuna dhowaan ku booqday xabsi ku yaalo magaalada Adis-ababa ee dalka Itoobiya,isagoo si hoose uga shaqeynayay qaabka lagu soo sii deyn lahaa,balse markii danbe Ra’iisal wasaaraha cusub ee Itoobiya Aby Ahmed Cafis u fidiyay.

C/kariin Sheikh Muuse Qalbi dhagax oo magaalada Nairobi kulla hadlayay Boqolaal shacab ah oo soo dhoweyn u sameysay ayaa sheegay in Axmed Madoobe uu ka shaqeeyay hanaanka isaga lagu sii deyn lahaa uuna kaga mahad celinayo.

Madaxtooyada Jubbaland,ayaa hadda qaban qaabineysa hanaan uu Axmed Madoobe kula kulmayo C/kariim Sheikh Muuse Qalbi dhagax oo hadda Nairobi ku sugan,si dhan ah looma oga halka uu kullanka ka dhacayo.

C/kariin Sheikh Qalbi dhagax oo ka mid ah Saraakiisa ONLF,ayaa sanadka ka hor Dowladda Soomaaliya ku wareejisay Dowladda Itoobiya.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads