XOG: RW kheyre oo si degdeg ah Xilka kaga qaadaya Wasiirkii Labaad iyo Sababta…

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre,ayaa qorsheynaya inuu xilka ka qaado Wasiirka Xannaanada Xoolaha Sheikh Nuur Maxamed Xasan,kaasi oo qaarka mid ah Waxgaradka Beeshiisa dhaliil ka keeneen.

Wasiir Sheikh Nuur oo ka soo jeedo Beesha Biyo-maal,muran badana uu ka taagnaa xilka Beeshan loo qoondeeyay ayaa Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya wuxuu doonayaa inuu ku qanciyo Beesha Biyo-maal Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta oo dhawaan wasiirkii hayay Xilka laga qaaday.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa damacsan in Wasaaradda Diinta iyo Arrimaha Awqaafta u magacaabo shaqso ka soo jeedo Beesha Biyo-maal,waxaana dhowaan xilkaasi laga qaaday Xassan Macalin Xusseen.

Buuq siyaasadeed oo aad u daran ayaa ku furan Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya,kaasi oo sababaya in markasta isbedel siyaasadeed muuqan karo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here