XOG: Xildhibaanada & Siyaasiyiinta Mucaaradka oo olole siyaaadeed ka dhanka ah Villa Somalia ka wada Nairobi…

Wararka naga soo gaarayo magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya,ayaa waxay sheegayaan in halkaasi uu ka socdo shir siyaasadeed ka dhan ah Xukuumadda Nabad iyo Nolol,kaasi oo ay leeyihiin Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka ah.

Xildhibaanada Damu-jadiid iyo Xisbiga Wadajir ee ku jira Baarlamaanka Soomaaliya,Siyaasi C/raxmaan C/shakuur iyo Wasiirkii hore ee Gargaarka Xukuumadda Soomaaliya Drs.Maryam Qaasim oo ku kullansan magaalada Nairobi ayaa ka shiraya sidii xal loogu heli lahaa dhibaatooyinka ka jira dalka in laga hortago siyaasadaha khalifsan ee Xukuumadda nabada iyo Nolol ku hogaamineyso dalka.

Xildhibaanada Mucaaradka ah ee ololaha siyaasadeed ka wada magaalada Nairobi ayaa waxaa ka mid ah Mahad Salaad,Axmed Macalim Fiqi,Xildhibaan Cumar Carte Qaalib Ra’iisal wasaare ku-xigeenkii hore ee Soomaaliya iyo waliba Siyaasi C/raxmaan C/shakuur oo ah shaqsi si weyn u dhaliilsan hogaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale,Kooxdaan oo isku duuban ayaa waxay kullamo la leeyihiin ganacsatada iyo siyaasiyiinta Soomaaliyee ee ku sugan Kenya iyagoo kala hadlayaa sidii loo taageeri laaa ololaha ka dhanka Madaxtooyada Soomaaliya ay wadaan.

Dowladda uu hogaamiyo madaxweyne Farmaajo oo Shacabka badan o taageero u ah baraha Bulshada ka kasbatay ayaa hadana waxaa jira mucaarad xooggan oo ka horjeeda,islamarkaana dhaliilsan waxqabadkooda.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads