Dhageyso: Gud. Aqalka Sare Oo Afka Furtay & Arin Wanaagsaneyn Oo Ka Jirta Muqdisho

Gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare Ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta ka hadlay Arimo xasaasi ah.

Waxa uu kaga qeyb galay Magaalada Muqdisho Kulan sare loogu qaadayey Afka Hooyo ayuu Eedeyn kala dul dhacay Ganacsatada Soomaaliyeed.

Cabdi Xaashi ayaa sheegay in Ganacsatadu ay qeyb weyn ka qaateen lumida Afka Soomaaliga oo ay Goobahooda Ganacsi ku xardhaan Erayo Shisheeye/Luuqado Ajnabi ah.

HALKAAN KADHAGEYSO CODKA WARKAAN

Golaha Senet-ka Soomaaliya Hogaankooda Cabdi Xaashi ayaa sheegay in ay doonayaan sare uqaadida Afkeena oo ay ahmiyad dadku siiyaan.

Waa hubanti in Luuqado shisheeye lagu qoro Goobaha Ganacsiga iyo Boorarka Dawladu isticmaasho Ee Fariimaha lagu gudbiyo kuna dhagan Hareeraha Waddooyinka Caasimada.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads