DHAGEYSO: Jabhada ONLF Oo War Aan La Fileyn Ka Tiri Xiisada Jig jiga iyo Xog Qarsooneyd oo Banaaka Timid

Magaalo Madaxda Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Ee Jig jiga ayaa ku jirta weli Xaalad Amni daro ah iyo Qalalaase soo bilowday Saaka Waaberigii.

Arintaan ayaa ka dhalatay markii ciidamo Federaalka Itoobiya ka socda ay qabsadeen Xarumihii ugu muhiimsanaa Deegaanka.

Waxa Dadka qaar ay ku Eedeeyeen Dawlad Deegaanka Soomaalida Madaxdeeda inay sameeyeen Ku tagrifal Awoodeed iyo Xaniinyo Qabasho Dadka Aan waxba galabsan,oo jir dil iyo Xabsi lagu sameyn jiray.

HALKAAN KADHAGEYSO CODKA WARKAAN

Afhayeenka Jabhada ONLF C/qaadir Hirmooge Cadaani oo kusugan Dalka Australia ayaa sheegay inay ka xun yihiin dhibtii ka dhacday Maanta Jig jiga iyo Dawlad Deegaanka Meelo ka mid ah.

Waxa uu hoosta ka xariiqay inay Dawlada Itoobiya ku khaldaneyd in Meliteri ku hujuumto Deegaanka wixii dhib ka dhacayna ay iyadu dusha saaran doonto.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. Abdirashid says:

    I have now lost confidence in ONLF, when you come out in support of a murderous puppet Abdi Iley one thinks twice. You have lost cause and support of many.




ads