Dhageyso:-Maamulka Degmada Balcad Oo Ku Dhawaaqay Howlgal Laga Fulinayo Wadada Xiriirisa Balcad Iyo Jowhar

Guddoomiyaha Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe Qaasim Cali Nuur (Furdug) ayaa ka hadlay xaalada amniga ee ka jira Wadada xiriirisa  Balcad iyo Jowhar.

Waxa uu sheegay Guddoomiye Qaasim in Al Shabaab tuulooyin qaar ah ay joogaan inta u dhaxeeysa Balcad iyo Jowhar,wuxuuana tilmaamay in dhawaan laga saari doono gacan ku heynta tuulooyinkaas,isgoona ku dhawaaqay howlgal laga fulinaayo Wadada xiriirisa  Balcad iyo Jowhar.

HALKAAN KADHAGEYSO CODKA WARKAAN

Guddoomiyaha Degmada Balcad Qaasim Cali Nuur (Furdug) ayaa sidoo kale sheegay Al Shabaab ay dhibaato ku hayaan dadka ku nool Deegaanada hoos yimaada Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe .

Dhinaca kale waxa uu tilmaamay Guddoomiyaha in Al Shabaab aysan weerar ka soo qaadin deegaanka Basra oo ay ka yimaadan dhulal kale,isagoona sheegay in dabagal ay ku hayaan.

Wadada xiriirisa  Balcad iyo Jowhar ayaa mararka qaar waxaa ka dhaca weerar jid’gal ah oo Al Shabaab ay la beegsadaan mas’uuliyiinta ku socdaala wadadaasi,iyadoona lagu dilay wadadaasi weerar ka dhacay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Hirshabeelle.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here