Dhageyso: Shabaab Oo Maanta Duhurkii Taariikh Ka dhigay Ceelasha Biyaha

Dagaalyahano katirsan Ururka Al Shabaab ayaa waxay maanta weerar gaadmo ah ka fuliyeen Deegaanka KM17 Ee Ceelasha Biyaha.

Seddex Askari oo katirsanaa Ciidanka Meliteriga ayaa la dilay iyadoo Bistooladleeydii dilka fulisey ay cagta wax ka dayeen.

Ciidan kale oo katirsan Meliteriga ayaa goobta gaaray kuwaasi oo Rasaas xoogan furay markii meydka ay meesha kasoo qaadayeen.

HALKAAN KADHAGEYSO CODKA WARKAAN

Qof deegaankaasi kusugan waxa uu sheegay in qal qal amni ay dareemeen iyadoo goobihii ganacsi oo albaabada ufuran laga cararay.

Ciidanka Dawlada ayaa dilka kadib waxay sameeyeen baaritaan ay kontameeyo qof kusoo qab qabteen,inkastoo markii dambe la iska sii daayey.

2 COMMENTS

  1. Waxaa muuqata inaad aad ugu faraxsan tihiin,dilka saddexda askari ee soomaaliyeed iyo ficilka al shabaab-maadaama aad ku sheegteen inay ficil taariikhi ah inay dhigeen.
    Ama afsoomaaliga ma taqaanaan-ama cadaw soomaaliyeed baad tihiin
    In nin dalkiisa qoraxda u taagan ,ubadkiisa inuu biilo u soo kalahay,muslim ah,soomaali ah,goobtiisii shaqo taagan in la dilo haddii ay cinwaankan reyn-reyntu ka muuqato idinka keentay-islaamnimadiinu hubaal ma ahan-kuwaas baana allaah idiin gacan gelin doonaa

  2. ahmed wan kuguracay rayigada saliimka ah webka waxad usameysaten inad kubahdishan qaranka somaliya iyo ciidanka masakinta ah e usokacay iney difacan sharaftena iyo sharafta qaranka balse kuwa gadaya e dilaya waxa ugu daran adigan soqoray shabab aya tariiq dhigay tariiq maxay kudhigen mawaxay kudhigen in nin askari ah lagaado bal hdey run shegayan muladagalo si kafol ah nacas xun batahay o an aqon sida wararka losotabiyo …allow unaxariso askarta malin wlba sida macno darada ah lodilayo ammmiin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here