DHAGEYSO: Siyaasi Caan ah oo xog ka bixiyey Arrimo ka jira Gobolka Banaadir oo siweyn loo hadal haayo

Siyaasiga Cali Maxamuud Faarax (Cali Seeko) ayaa ka hadlay Amarada kasoo baxa Maamulka Gobolka Banaadir ee Hadana aan dhaqan gelin.

Waxa uu ku micneeyey Siyaasada iyo Sharciga oo Fal gal sameeya ay keentay in xakameynta ay meesha ka baxdo iyo inay meel mar noqoto Awaamiirta lasoo saaro.

HALKAAN KADHAGEYSO CODKA WARKAAN

Afhayeenkii hore Ee Gobolka Banaadir Cali Seeko ayaa si dhaw ula socda Siyaasada Maamulka Gobolka uu mar kasoo shaqeeyey isagoo Xilalka isku jaan go’neyn Ee La magacaabayo ay sabab u tahay xadeysnaan la’aanta jirta.

Waxa uu is bar bar dhigay Kala miisaan sareynta Duqa Muqdisho iyo Maayarka Gobolka iyadoo Soomaaliya oo Dal Colaado kasoo kabanaya ay sahal unoqon karin waxa hadda soconaya.

Cali Seeko ayaa sheegay in looga bixi karo Amarada lasoo gudbiyo ee aan fulin inta laga gaarayo Duqa Muqdisho oo ay soo doortaan Shacabka Magaalada ku dhaqan Ee 3 Milyan Ka badan.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads