Dhageyso: Wasiir Goodax Oo Ka Hadlay Sida Uu Ku Helay Xilkaas Sheegayna Inay Jireen…

Wasiirka Cusub Ee Wasaarada Waxbarashada Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa waxa uu ka hadlay Qaabka loo soo magacaabay Isaga.

Wasiirka waxa uu sheegay in iska nasiib aheyd Jagadaasi uu helay ayna farxad u tahay inuu Bahda Waxbarashada ku biiro la shaqeyntooda.

HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA:

Goodax ayaa sheegay inuu diyaar u yahay sii wadida Howlaha uu Qabyada kaga tegay Wasiirkii Xilka laga qaaday 26-kii Bishii Hore C/raxmaan Daahir Cusmaan.

Waxa Wasiir Goodax Barre uu sheegay inay jireen dad Qalinka Qori inuu ka xoog bato rabay,taasi uu sheegay in Shabaab iyo Maleeshiyaad Beeleed ahaayeen.

Cabdullaahi Goodax ayaa la ogaa doorkiisii is garab taaga ahaa Ee Dawlada Hadda Madaxweynaha ka yahay Madaxweyne Farmaajo dedaal badan uu galayna Wasiir lagu abaal mariyey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here