Dhageyso: Xil. Cabdi Shire “Waxaan Hayaa Codad & Muuqaal Iyagoo La Kufsanayo…

Ilaa Shan Gabdhood ayaa la sheegay in Lagu kufsaday Dhawaan Dalka Kenya taasi oo Ciidanka kena ay sameeyeen sida lagu Eedeeyey.

Askar katirsan Kuwa Dawlada Soomaaliya ayaa ka aheyd isku xire ama fududeyn ka dhex sameeyey Kenyaatiga iyo Gabdhaha.

Kiiskaasi Kulan looga arinsanayey ayaa waxa uu ka dhacay Magaalada Muqdisho oo Laga soo saaray Xogo la helay kadib Go’aano adag.

HALKAAN KADHAGEYSO CODKA WARKAAN

Xildhibaan Cabdi Shire Jaamac (Ciyaar Jecel) oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ee kasoo jeeda Gobolka Gedo ayaa sheegay in Cod dheer ay adeegsan doonaan sidii xaqooda Gabdhahaasi loogu soo dhicin Lahaa.

Xil. Cabdi Shire waxa uu sheegay in Axad Todobaadka Dambe uu London utegayo Kiiskaan Lana wadaageen Xogo ay hayeen DFS iyo maamulka Jubbaland,sheegeyna in Codad iyo Muuqaalo ay hayaan Kiiskaasi ku saabsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here