Dhageyso: Xukuumada Somalia oo lagu heysto Sharci Xad gudub ku ah Diinta Islaamka…

Kadib Kulan ay iskugu yimaadeen Culimada Soomaaliyeed Maanta Magaalada Muqdisho,ayey kaga hadleen Labo Qodob oo diinta islaamka loogu gafay oo ka jira ama ka dhacay Soomaaliya.

Qodobka ayey ku sheegeen inuu yahay mid Baadiyeena Shacabka Soomaaliyeed Ee Islaamka ah kaasi oo marin habaabin ku wada Dadka Ku Dhaqan Gaalkacyo.

HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA:

Waxay sheegeen Culimadu in C/weli Cilmi Yare uu ku socdo Waddo Khaldan uguna baqeen inuu Alle Dembi dhaaf weydiisto.

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan ayaa waxa uu ka hadlay Sharci Wasaarada Haweenka iyo Xuquuuqul Insaanka Soomaaliya soo gudbisey oo guurka gabdhaha kusaabsanaa.

Gabadha ka yar da’ ahaan 18 Sano in la guursado ayaa sharcigaasi uu dhigayey mid Kufsi oo kale ah lana mamnuucay.

Waxa Culimada Soomaaliyeed ay sheegeen in Gaf weyn ay ku tahay Sharcigaasi Umadda Soomaaliyeed Ee Muslimka ah oo Diintana Khalad looga galay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here