DHAGEYSO:Hadal kusoo kordhay lacagta dowlada Soomaaliya soo daabacayse iyo warar shegaayo in…

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in dhawaan isbedel lagu sameyn doono lacagta shilinka Soomaaliga ee guud ahaan dalka Soomaaliya laga isticmaalo.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in lacagta hadda dalka laga isticmaalo ay tahay mid gacanta dadka ku duugowday,isla markaana u baahan in la bedelo.

HALKAAN KADHAGEYSO CODKA WARKAAN

Waxa uu sheegay in dhammaan lacagta dadka isticmaalaan hal hal loo bedeli doono,dhammaan maamul goboleedyada dalka ka jira iyo dowladda Federaalka Soomaaliya ay isla-garteen in aan la soo daabicin lacago been abuur ah.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle,ayaa dhawaan soo bandhigay naqshada lacagta Shillinka Soomaaliga ah ee dowladda Soomaaliya soo daabici doonto wallow uu sheegay in waqti dheer ay qaadan doonto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here