DHAGEYSO:Jawiga xaalada Jiga Jiga & Ciidanka Liyuu Boolis Oo La Wareegay…

Waxaa Jawi Xasilooni ah Laga dareemayey Gelinkii dambe ee maanta Magaalada Jig jiga Ee Xarunta Dawlad Deegaanka Somaalida Itoobiya.

Ilaa 10 saac kudhawaad waxa faraha ka baxay Amnigii iyo Kala Dambeyntii Maamul Ee Magaaladaasi ka jiray.

Rabshado ayaa hareeyey,Taayaro ayaa la gubay,Boob Hantiyeed ayaa dhacay Dadna waa la laayey oo Qowmiyado Ajaanib Ahaa.

Ilaa 10 Qof ayaa la sheegay inay dhinteen iyadoo Kontameeyo ay dhaawac tahay,ma jirto Soomaali la dilay sida ilo lagu Kalsoon yahay ay sheegayaan.

HALKAAN KADHAGEYSO CODKA WARKAAN

Telefishanka ismaamulka ESTV ayaa waxa laga baahiyey Muuqaal laga soo duubay Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar oo Shacabka ugu baaqay in La is dejiyo oo Rabshad ay waxba soo kordhineyn.

Magaalada Jig jiga ayaa Galabta waxa la filayey in R/wasaare Kuxigeenka Itoobiya maanta la filayey inuu halkaasi tego balse uu ka baaqday.

Ciidanka Liyuu Boolis Ayaa waxay la wareegeen Amniga Magaalada Jig Jiga iyadoo Ciidankii Federaalka Itoobiya magaalada banaankeeda Labo Xero ku taalla la iskugu geeyo.

Sanado Ka hor sidii ay aheyd ayey Caawa Muuqaal ahaan u eg tahay mid colaad wakhti badan kusoo jirtay,islamarkaana bilicdii qurxooneyd magaalada ay fool xumaatay rabshadihii maanta dhacay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here