DHAGEYSO:Labo beel oo Hawiye katirsan oo isku hub aruursanaayo”Yaa waaye labadaas beel”

Xaalad aan fadhin degganaashiyaheeda ayaa laga soo sheegayaa Deegaanka Banyaaleey Ee Hoostagta Degmada Matabaan Ee Gobolka Hiiraan.

Dhowr mar ayaa dagaal beeleed uu ka dhacay Deegaankani oo udhaxeeyey maleeshiyaad ku kala abtirsada Xawaadle iyo Ceyr.

Waxa lagu isku hayo ayaa ah daaqa iyo ceel biyaha laga cabo iyadoo marar badan la isku dayey xal ka gaaris balse ay soo laab laabteen.

HALKAAN KADHAGEYSO CODKA WARKAAN

Hadda waxaa la dareemayaa isku hub uruursi ay sameenayaan Maleeshiyaadka deegaankani isku hayo lagana digay Colaad mar kale la abaabulo.

Oday dhaqameed kasoo jeedo mid ka mid ah Maleeshiyaadkaasi ayaa HirShabelle iyo Galmudug ugu baaqay inay soo fara geliso Xiisadaan oo Xal nabadeed ayuu Codsaday in Beelaha ay wax walbo ku dhameeyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here