DHAGEYSO:Madax Itoobiyaan oo sar sare oo Jig jiga gaaray”Wasiirka warfaafinta ee dowladda degaanka oo xog shaaca ka qaaday

Wararkii ugu danbeeyay ee magaalada Jigjiga ayaa sheegaya in xaaladda magaalada ay weli qasan tahay iyadoo ciidamada milateriga ee saaka galay magaalada laga saaray oo la geeyay duleedka magaalada.

Xukuumadda dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay dhacdooyinka ka dhacay magaalada Jigjiga, waxayna sheegtay in shacabka magaalada Jigjiga dhibaato badan loo geystay, isla markaana ay ku soo xadgudbeen ciidamo milateri ah.

HALKAAN KADHAGEYSO CODKA WARKAAN

Wasiirka warfaafinta ee dowladda degaanka Soomaalida itoobiya Idiris Ismaaciil Cabdi ayaa ka hadlay xaaladda madaxweynaha maamulkaasi, wuxuuna sheegay in madaxwaynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar uu nabad qabo.

Warar hore u soo baxay aya sheegay inuu Cabdi Maxamuud Cumar ku sugan yahay xerada ciidamada Liyu Police oo ah ciidamo ay dhistay dowladda Itoobiya si ay ula dagaalamaan ONLF, isagoo ku jira xero ay ku leeyihiin daafaha magaalada.

Madaxweyne Cabdi Maxamuud iyo dowladda Itoobiya ayaa xiriirkoodu ahaa mid liita, iyadoo ay socdeen olole loogu jiray inuu xilka ka dego.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here