DHAGEYSO:Masuuliyiin dowlada Soomaaliya katirsan degaanada maamulayeen oga soo cararay ciidamo shisheeye dartood

Qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolada Jubbooyinka ayaa soo gaarey Magalada caasimadda ah ee Muqdisho,kuwaas oo ka soo tegay deegaanadii ay maamulayeen.

Guddoomiyeyaasha oo hadda ku sugan Muqdisho ayaa waxa ay sheegeen in laba arrin ay uga soo tageen deegaanadii ay madaxda ka ahaayeen taas oo ay ku kala sheegeen.

HALKAAN KADHAGEYSO CODKA WARKAAN

1: Dhibaatooyin ay sheegeen in Ciidamada Kenya ay ku hayaan Shacabka deegaanada ay maamulaan, ka dib duqeymo dhinaca cirka ah oo ay ka fuliyaan deegaanadaas,iyaga oo tusaalo u soo qaatay burburintii Ciidamada Kenya ee Shirkada Hormuud.

2: Caga-jugleyn iyo hanjabaad uga timid dowlad Goboleedka Jubbaland waa sida ay hadalka u dhigeyn,waxa ayna ku baaqeen in dhibaatooyinkaas  wax laga qabto.

Ilaa Saddex guddoomiye degmo oo  haatan ku sugan Muqdisho ayaa waxa ay dhamaantood sheegeen in dhibaatooyin dhinac walbo ah qabaan Shacbaka Gobolada Jubbooyinka,welina warkaas ka soo baxay guddoomiyeyaashaas wax jawaab ah kama bixin madada Jubbaland.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. Calioday says:

    Canaasiirta xamar beentoodu soo ma dhamaato.




ads