DHAGEYSO:Maxaa kataqanaa madaxweynaha cusub kilinka shanaad”Sidee Cabdi Maxamed Cumar xilka isaga casilay xogo hore loo Ogeyn oo shegaayo…

Madaxweynihii Gobolka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar ayaa is casilay kadib dhowr maalmood oo khilaaf uu kala dhexeeyey dawladda federaalka ee Itoobiya.

Khadar Cabdi Ismaaciil oo ah madaxa xarunta dhexe ee xisbiga haya talada maamulka gobolka iyo saraakiil kale ayaa xaqiijiyey is casilaadda madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar.

HALKAAN KADHAGEYSO CODKA WARKAAN

Waxaa xilkaasi haatan loo dhiibay Axmed Cabdi Maxamed oo horey u ahaa wasiirka maaliyadda ee gobolka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Madaxweynaha cusub ayaa ah xubin ka tirsan xibsiga talada haya, waxaana uu horey usoo noqdya duqa magaalada Qabridaharre.

Isbeddelkan dhinaca hoggaanka ayaa yimid kadib dhowr maalmood oo iska horimaad iyo xiisad ay ka jirtay gobolka. Mas’uuliyiinta Gobolka ayaa sheegay inay 29 qof ku dhinteen rabshadihii maalintii Sabtida ka dhacay magaalada Jigjiga.

Jacfar Kuukaay, ayaa wareysi arrimahaasi kus aabsan la yeeshey Khadaar Cabdi Ismaaciil.

 


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads